27 Nov

Hay’adda icrc

Hay’adda Red Cross oo ka deyrisay xaaladda Soomaaliya

Hay’adda Caalamiga ah ee Red Cross ayaa ka digtay maanta oo Jimce ah xaaladda nololeed ee dadka ku dhaqan dalka Soomaaliya ee dagaalada ay saameynta ku yeesheen.

Red Cross ayaa sheegtay in dad badan oo ka barakacay dagaalada ay heysato xaalad nolol xumo tii ugu darneyd, taas oo qaarkood ay u geeriyoonayaan.

Sidoo kale Hay’adda waxay sheegtay in kumanaan dad ah ay dagaalada Muqdisho ka socda ka barakaceen halka tiro lamid ahna ay ku geeriyoodeen dagaalada.

“Kumanaan ayaa ku biiray kumanaan kale oo awal ku barakacsanaa daafaha Muqdisho iyo magaalooyinka dariska la ah xeryaha ku yaalla ee qaxootiga loogu tala galay” ayay tiri Red Cross.

Horay dad badan ayaa u barakacay, kuwaas oo ka barakacay dagaalada, gaarayna magaalooyinka bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ayaa hadana mar kale lagu yiri warbixinta Red Cross.

Dagaalada kaliya ma ahan dhibaatada heysata dadka, hase ahaatee waxaa usii dheer abaaraha iyo biyo la’aanta, kuwaas oo iyana kamid noqday dhibaatada heysata dadka Soomaaliyeed.

“Nolasha aad bay u adag tahay” ayay ka wariyeen Hay’adda Red Cross hooyo la dhaho Faadumo, taas oo iyada iyo afar caruur ahba ay waayeen aabahood.

“Caruurteyda waxay i weydiinayaan maalin kasta aabahood, anigana ma aqaanno wax aan dhaho, maxaa yeelay ma aqaanno waxa ku dhacay isaga, anigase waxaan u dagaalamayaa sidii aan cunto ugu heli lahaa caruurteyda, mana heysanno meel aan seexanno, waxa aan doonayana waxa ay tahay goob amaan ah oo aan caruurteyda ku korsado” ayay u sheegtay mar kale Hooyo Faadumo Hay’adda Red Cross.

Si kastaba ha ahaatee arrintan ayaa imaaneysa xilli dagaallo xooggan oo dad badan ay u barakaceen ay ka dhaceen magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya
.

somalidutch

.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *