06 Dec

Voice of somalia

Aduunyada ruuxii joogaa maalin walbaa waa caadi inuu wax cusub arkaa ama maqlaa ,sidaa darteed la yaab malaha inaan aragnaa in AamIinka khiyaano lagu tuhmeesto, la yaab malaha in Culimadii Caaminimo lgu tuhmeesto Caamadiina Culimo ismoodo la yaab malaha wax walba oo xun in magaca wanaagsan loogu yeero waxii wanaagsanaana xumaan lagu tilmamo oo Caamadii Diinka ka Fatwoodaan Culimadiina Caamo lagu tilmaamo ,Mooryaantii magac Culimo qaataan Culimadina magac Mooryaan loogu yeero,la yaab malaha inaan maqalnaa Sh yuusuf indhacde ama Macalin Xaashi,layaab malaha Caalamka Maanta la joogo inaad aragto Ruux Qamriga cabitaan u yahay Caanaha Geelna Xaaraan u arka,waayo waxaa lagu jiraa Zaman Fidnadu dadka hogaamineyso oo laga tagay Xikmadii, Caqligii iyo Diinkii

Waxaan hadalkaas uga gol leeyayahay waxaa badatay Maalmahaan Caamo Culimo ismooday Soomalida waxa ay tiraahdaa Dameer Faras la daaqay Farasuu is moodaa waayo waxaan marar badan ka maqalnaa Warbaahinta la dhageeysto ama ka aragnaa Caamo Culimo ismooday oo afka ku taagta Culimadii Diinta sida Yuusuf indha cade oo leh waa in Sh hebel Towbad keenaa Diinta ayuu u gafay ama waxaan Maqalnaa Seedigiis Ex Macalin Xaashi oo leh Culimadii waxa ay ka leexdeen wadadii Jihaadka ama waxa ay la mid yihiin Isbaheysigii ladagaalka Argagixisada!!!

Waxaa eeda dhigay Warbaahinta tiri Sheeq iyo Macalin iyo Culimada u ogolaatay in ay sad ku darsadaan nimankaas ayagoo xaaraantii aan ka Towbad kenin,Afkoodana ka qoyan yahay Dhiigii ay ka jiqyeen Maatadii ku hoos noleyd meelihii ay xooga ku heesteen..

Hadii maanta la weydiiyo yuusuf Indhacde iyo Seedigiis M Xaashi Towbada Shuruudeeda waxaa hubaal ah in aysan aqoon u laheyn,waayo hadii ay aqoon lahaayeen wax ay ka Towbad keeni lahaayeen Dhiigii Muslimiinta ay gardarada ku daadiyeen waxa ay ka Towbad keeni Maalkii Xaaraanta ahaa ay Muslimiinta ka dhaceen .

Hadii aan ku hor maro Yuusuf indhace maka Toowbad keenay Beentii uu Caalamka oo dhan maqashiiyay xiligii Maxaakimta inuu ku xil wareejiyay Maamulka Gobolka Sh/hoose Maxaaakimta Islaamiga ah,gaar ahaan Beentii uu ka hor Sheegay Culimadii Soomaliyeed ee Beertii Afgooye geedeheedii waa weynaa hoostooda fadhiyay?.

Mise ka toowbad keenay Dhuumashadii uu ka Dhuumatay Dagaalkii uu kiciyay asagoon la tashan Madaxdii Muslimiinta ee uu Xajka Dhaanka dhuumadka ahaa ka aaday?

Mise ka towbad keenay Beerihii uu ku heestay boobka welina ku heesto iyo baadii Muslimiinta Sh/hooose ku nool ka qaadi jiray iyo lacagaha kusimahiisa Nuuriye uga soo diro ilaa iyo hadeer Gobolkaas ee xaaraanta ah?

Waa inuu ogaadaa Dadka waa marqaati inta la joogo Aduunka iyo hadii Aakhiro la tagaba waxaana imaan doonto maalin lagala xisaabtamo godobtii uu ka galay Marasta ku nool Soomaliya iyo lacagaha Eretreya ku siiso sii hurinta Dagaalkii uu awalba kiciyay asagoo fulinaaya qorshaha Dowladiisa Asmara.

Yuusuf indha cade Seedigiisna Macalin Xaashi ninka la yiraah waxa uu mar noqday Macalin Dugsi Qur�aan Dugsigii waloow uu ka  doortay inuu dilo maatada maalintii ugu horeysay ee magaciisa la maqlana waxaa lagu maaqlay nin uu dilay waxaana xigtay asagoo Isbaaro dhigtay Ceelmacaan intii aysan Shirakadii Banaadir la wareegin kadibna waxa uu bilaabay inuu waayelada xerxerto asagoo gacantiisa ay ku geriyoodeen waayeelo fara badan ay isku heyb ahaayeen oo u Cadaab iyo Jirdil uu ugeestay asagoo markaas doonayay inuu lacago baad ah ka qaado oo maatadii iyo waayeeladii u laayay waxaa dhici karta weli in aysan lafahooda iyo hilibkooda isku yaalaan oo uusan Aboor dhameysan,waxaana kusoo xigtay in Maxaakiimta ay u gurmatay asagoo xeligaas uu halis ugu jiray in laga boobo Hubkii uu ka gaday Maatadii uu laayay,

Markii Culimadii Soomaliyeed tageen Asmarana ayagoo oo maciin biday meel kalana waayay oo Siyasad ahaan taageersan waxaa uu Macalinka ku hadlay hadal uu ku dhaliilay joogitaankoda Asmara asagoo islamrkaana sheegtay inu ku biiray Alshabaab markalana Alqaacida waloow aanan ogoyn in Alshabaab iyo Alqaacidaba Mooryaanta ogolyihiin oo Mujaahidoontooda Mooryaan ku jiri kato maxaa yeelay waa dad go,aansaday Jihaad Xalaal ah sura galna ma,aha in ay aqbali karaan Kaaba Mooryaanada!!

Xataa hadii aysax tahay sheegada M xaashi inuu ka mid yahay kooxahaas waxaa ku habooneyd inuu ka istaago Mowqifka Alshabab ka taagan tahay labada Qolaba oo ah in ay dhaliilayaan si isku mid ah,Alqaacidana waxaa u hadlay Nin lagu sheegay Abuu Yaxya Alliibi waxa hadalkiisa ka muuqata inuusan wax tixgalin ah u heyn Culimada labada dhinacba joogata Jabuuti iyo Asmara,marka waxaa laga rabaa bal ninkaan in la wediiyo maxaa ku kalifay inuu kala taageero labadaan dhinaca maadaama kooxda uu shreegtay aysan labaduba u kala duwanewyn mise koox kale uu taageero joogta ah u haayo ayaa jirta oo u qarsoon?.

Waxaan xasuusin mudan Culimada uu maalin walbaa afka kutaago waa kuwii u hiiliyay maalintii uu ugu liitay,hase yeeshee  soomaalidu tiraahdaa Doqon looma hiiliyo waana war sax ah waayo waxaa Doqon loo gargaaro halis ku galay Nabi Muuse (cs) waxaa xaqu ahaa inuu u mahad Celiyo Culimada uu maalinba midkood Carabka ku taagaayo oo u ka xishoodo waloow uu xoogaa Xishood ah mar walba u muujiyo Reerka Gabadha siistay waayo waxaan aragnay inuu kal hore dhaliil u haayay Culimada Asmara asagoo ku halqabsanaayay Sh Sharif laakiin markii xoogaa Qilaaf ah soo kala dhex galay waxa uu taageeray Sh Xasan Daahir markii uu isku Doortay Gudoomiye (Gudoomiyaha Cusub ee Salbalaar) maadaama uu ka dhashay Reerka gabadha siistay,waa sax in uu xormeeyaa Sediyaashiis laakiin waxaa ka horeyay inuu Diin ahaan Asmara raga jooga sheegay in ay qaldan yihiin ee Maanta maxaa keenay inuu Taagero kuwii uu horey u Fatwooday in ay gafsan yihiin mise waa towbad keeneen kuwa Amara ku haray?!!

Maxaase keenay in qeybta kale ee Culimada ah ee jooga Jabuuti inuu uu xaq dhowri waayo sidu uu u Xaq dhowray reer seediyaashiis? Soow ayaguba Nasab kalama Dhexeeyo hadiiba aysan meesha ku jirin inuu Diin ahaan wax u diidan yahay maadaama uu taageray Guruubkii Sh Xasan Daahir ee ku haray Asmara (Isbaheysiga Salbalaar) ?

Waxaan dhihi karaa Macalin Xaashi waa wiil gabar lasiisto midka ugu baarisan  waayo xataa waxaa uu uga Tanaazulayaa reer seediyaashiis waxa uu Diin ahaan u heestay oo waa kan Maanta u hambalyeynaya Guruubka Sh Xasan(isbaheysiga Cusub ee Salbalaar) ee ku haray Asmara oo uu horey ugu sheegay in ay ka leexdeen  Jidkii Jihaadka ,asagoo ku tilmaamay ilma adeerkiis Sh Shariif inuu la mid yahay qabqablayaashii ku bahoobay Isbaheysigii la Dagaalka Argagixsada kuwii labaxay, waalayaab marwalba walaalkaa inuu kula qaldanaado asagoo saxan!!!

Macalin Xaashi wuu ku saxan yahay inuu Xormeeyo Reer Seediyadiis oo xaq ayay ku leeyihin weyna sharfeen maadaama ay gabar yar siisteen ula jeedo kastaa haba lahaadeene,waana Wiil Gabar la siisto kan ugu wanaagsan sida ka muuqata jilacanaanta uu u haayo Seediyaashiis,laakiin Caaminimadiisa waxaa uu iloobay Xaqa kuwa Qaraabadiisa ay ku leeyihiin inuu ka weyn yahay kan Reer Seediyaashiis oo hadii qalad ka dhaco Qaraabadiis waxey aheyd inuu u Nasexeeyo hadii ay Saxan yihiina Raaco

Ugu dambeyn ogoow Reer Xididkaa Xushmada aad u heyso hadii ay Diin kaa tahay waxaa ka Xaq badan kana Xushmad badan Reerka aad ka dhalatay Nasab ahaan, hadii kale waxaa habooneyd inaad halkii qalad ee aad horey uga gashay Culimada  ku ekeysto oo dhamaantood wada eedo adigoo markaas isla saxan Diin ahaan ama inaad ka aamusto dhamaantood Jabuuti ha joogeen ama Asmara si aadan mar labaad u qaldamin hadii aysan Gabadha lagu siistay kaa hadashiineyn.

 ILAAHOW HANA DHIGIN INAN-LAYAAL waayo waxaa halis ah inaan Gabar daraadeed Xuquuqo fara badan ugu tumano sida MACALIN XAASHI OO KALE!!!

                     waxaa diyaariyay Asad yare

                      [email protected]

FG. Maqaalkan waxa uu u gaar yahay  Qoraha Maqaalka ee kama tarjumayo Siyaasada  Webka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *