06 Dec

Welcom to truesomali website

Cali Dhuux


Qaaf ku dhigo looxa

Ujeedada Gabeygan loo mariyey ilaa hadda ma hayo, laakiin waxaan ku howlanahay sidii aan idiinku
ku soo gudbin lahaa, waxa ku sababey Cali Dhuux Adam inuu maansadan holado.

AQudhmis iyo Qaroorweyne iyo, ilaha Qaansoole
Qawdhaha kabaxay Tuur-Wareen, Qararo baasheeda
Qaadhaha Madheedhkii lahaa, quruxda Reenweyne
Qoda Dhagaxley qooriga Haye iyo, tuban Qalaalkeeda
Qotankii Yamayskiyo kobtaan, qadow ku beeraynay
Nimankii qusuusiga ahaa, Qoran madaajaane
Qaandhaawadii kuma lisaan, qamaca jiilaale
Qorog buuxa agaan qafilan, qabaxsan maayaane
Qiyaas caanaheeda oo dhanaan, kuma quraacdaane
Qol dugsoon intay jiifsadaan, qabay ma fuulaane
Qadhyad gabadh ah qaalida waheen, lama qadeeyaan e
Intay qalab magaalo u xidhaan, kula ma qooqaane
Qarashyaalihii lama dhacaan, qirada fiiqnaaye
Qosolkii iyo haasaawihii, ku qarxinmaayaane
Qarafa awra ah kama sooraraan, qaran Ogaadeene
Qawad laabta joogiyo xarago, lama qammaadaane
Intay qam isku siiyaan hagoog, qabay masheegtaane
Dhalinyaro qabiibi ahi fardaha, kuma qadhaabtaane
Sange qaarar weyn iyo darmaan, qooqin ma hayaane,
Ashkir qaayib iyo xamar qoodh qabiyo, qalas ma fuulaane
Baroor qadan leh oo aad midabka, qad iyo laasmoodo
Qolqol uma dhisaan geed intay, qun ugu waabaane
Qol kujire qasaaraha rogaal, uma qalqaalaane
Intay qoorta kaga weeciyaan, kuma qateeyaane
Hadba qolo intay weeraraan, kagama qayshaane
Waalagu quwayn jiray bahday, qaabka boolida e
Qaankiisa oo tuban hadii, la qoodeeyo waa geele
Qaynuun amaan duule iyo, qarad masoocdaane
Naag yahay aduun iga qariban, quusna waan ahaye
Qab baa madaxa kaa buuxa oo, waad qadhaadhahaye
Waxaan la qar wayaa laylka dhexe, qoomamo iyo ciile
Ragii aniga ila qayr ahaa, qoladii Reer Jaamac
Qormadaad ogeyd baan lashiray, amase qoorwaaye
Qabiilkii ku guursaday lamadhi, Qoonkii Reer Gorode
Maantana qudhayda iyo Cabdoo, Qaawan baa hadhaye
Qarigii Ogaadeenka yaal, qaraxii Doofaare
Iidoor qareen kama dhigteen, qaatay halihiiye
Hadba qolo waxaan ula degaa, waa qariibnimo e
Qalbi hadii aad leedahay asaad, qaadan taladayda
Qaydada Ilaahay kutimid, Qaadir taladiisa
Qawlkii Rasuulkiyo sharciga, hays qilaafina e
Qaatumadu yay kaa xumaan, qirada diineede
Qaybtaadii soo laasataye, qaafku dhigo looxa

Qore: Said Ismail Adam “Gaalalajoog”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *